Jump to section:
Fatashaadaha
Fatashaadii sannad laha ahaa ma la sameyn doonaa?
Waa aanu joojin doonaa fatashaadihii guryaha la degan yahay la marin jiray ilaa amar dambe.
Waxaan u soo guuri rabaa guri cusub. Gurigaa cusub ciddi ma iga fatashi xaaladdiisa?
Haa. Hay’ada Metro HRA waxa ay la shaqeyn qoladda gurigaaga iska leh si loo sameeyo fatashaada, AMA cid ha loo soo diro ama iyadoo dibada la joogo ha la sameeyee. Hadii gurigu uu banaan yahay, lana soo celiyey, dhawaana la nadiifiyey.
Ka Caawinta Kirada / Cusboonaysiinta Sannadlaha Ah
Waxaan ka wel-welsanahay in caawimaada kirada la iga caawiyo aan waayo iyadoo sababtu tahay cudurka COVID19.
Lacagaha caawimaadaha kiradadu wax khatar ah kuma jiraan. Waa aanu sii wadi doonaa inaan ku siino caawimaadihii dhanka kirada ahaa ee aanu ku siin jirnay bil walba bilowgeeda. Ma filayno in wax dib u dhac ahi ay ku yimaadaan bixinta kirada.
Cusboonaysiintii guriga ee sannad laha ahayd wali ma dhici doontaa?
Waa aanu qaban doonaa hawsha cusboonaysiinta gurigaaga anagoo adeegsanayna AssistanceConnect ama boostada. Hubi inaad keento dukumiintiyada uu kaa codsado xiriiriya HRA du si loo hubiyo in qaybta kirada adiga kaaga soo aadaysa si sax ah waqtigii la rabay loogu xisaabiyey.
Warqadahii cusboonaysiinta sannadlaha ah waxaan soo dhigay boostada. Sidee ayaan ku ogaan karaa inaad hesheen?
La soo xiriir xiriiriyaha HRA. Maadaama warqadaha xafiisku helayaa ay kordheen, shaqaalo tiro yarna uu hadda ka shaqeeynayo xafiiska, waxaa dhici karta inay qaadato dhowr asbuuc inaan hawshaada ku dhameeyno. Waan kugu mahadinaynaa samirkaaga.
Waxaan jeclaan lahaa inaan xafiiska imaado si aan u arko xiriiriyahaga.
Xafiisyada hay’ada Metro HRA balan lagu imaanayo hadda ma qabanayaan ilaa amar dambe.
Waxaa jeclaa inaad codsado dhageysi dacwo oo iska yar.
Waxaad soo gudbin kartaa codsigaaga dacwo dhageysiga isagoo qoraal ah. Wixii dacwo dhageysi ah waxaa lagu qaadi kumbuyuutar ama telefoon. Wax balan ah oo ciddi tagi meesha dacwadda lagu qaadi ma jiri doonto ilaa iyo amar dambe.
Isbedelka Dakhliyada
Shaqadaydii waa la iga fariisiyey iyadoo sababtu tahay cudurkan COVID19. Maxaan ka sameeyaa kiradda?
Waa inaad codsato manfacyada shaqaalaha baaga-muudadda ah la siiyo waxa aad ka codsan kartaa shabakada uimn.org.
Dhamaan wixii codsiyo ah ee la xiriira isbedelada kiradda ee shaqo la’aanta waxaa hawshooda loo qaban doonaa sida loo kala hor helay, waxaana loo qaban doonaa sida si ugu dhaqsaha badan. Fadlan samir lahow maadaama tirada isbedelada ah ee aan hawshooda dhameynaynaa ay korortay. Maadaama warqadaha xafiisku helayaa ay kordheen, shaqaalo tiro yarna uu hadda ka shaqeeynayo xafiiska, waxaa dhici karta inay qaadato dhowr asbuuc inaan hawshaadda ku dhameeyno.
Qoladda aan kaga jiraa waxa ay yiraahdeen waxaa aanu kaa saari guriga sababtoo ah kiro bixin la’aan aggeed.
Gudoomiyaha Gobolka Tim Walz (Gov. Tim Walz) waxa uu soo saaray Amarka Degdega ah oo sumadiisu tahay 20-14 Emergency Executive Order 20-14 (PDF) oo ah in joojiyey guriga ka saaritaanadii oo dhan xilligan Xaaladda Degdega ah ee cudurka COVID-19 lagu jiro (COVID-19 Peacetime Emergency). Amarkani waxa u dhaqan galay Maarso 24 keedii waana uu sii jiri inta xaaladdan degdega ah ee lagu dhawaaqay ay jirto. Kala hadal qolada guriga leh wixii isbedelo ah ee dakhliga ku saabsan una sheeg inaan ka shaqeynayno dhimida kiraddaada. Diyaar baan u nahay inaan la hadalno qolada guriga anagoo adiga afkaaga ku hadlayna hadii taasi ay wax caawinayso. Fadlan la soo xiriir xiriiriyahaaga hay’ada HRA da una sheeg inay jiraan arrimo dhex yaal adiga iyo qolada guriga, iyaga ayaan la xiriiri kolkaa.
Waxay ahayd inaan xaanshida (voucher) guryaha la I siiyo markii ugu horeeysa. Goorma ayey taasi dhici doontaa?
Metro HRA waa ay sii wadi doontaa bixinta xaashiyaha guryaha. In kastoo cidna balan la kulan ah anaan u sameynayn doonin, waxa aan filaynaa inaan hawsho xaanshiyaha guryaha aan ku dhameeyno khadka (on-line) ka ama telefoon. Waxa aanu kula soo xiriiri doonaa anagoo isticmaalayna aalada (AssistanceConnect) ama boostada si aanu faah-faahin kaaga siino hawshaadda.
Waa maxay kulanada kumbuyuutarku, sideense uga qaybgeli karaa?
Kulanada kumbuyuutarka waxaa lagu qaadaa kumbuyuutarka ama telefoonka. Hay’ada Metro HRA waxa ay ku siin doonaa akhbaar iyo tilmaamaha ku saabsan sida looga qaybgalo kulanada kumbuutarada.
Waxa aan codsaday in la iga hagaajiyo wax ka halaysan gurigayga. Qolada guriguna waxa ay I tiri hadda ma hagaajinayno wax aan ahayn baahi degdeg ugu baahan in wax looga qabto. Taa ma sameyn karaan?
Marka la eego dadaalada ay ganacsiyaddu sameynayaan si ay u yareeyaan faafida cudurka COVID19, qolada gurigaaggu waxa ay u badan tahay inay sameynayaan uun hagaajinadda baahida degdeg ah loo qabo. (tusaale ahaan: hiidka halaaba, biyaha furma, qaboojiyaha halaaba, gaaska soo furma, bulaacaddaha jaba/gufeysma), degdeg ula xiriir qoladda gurigaagga. Hadii aysan ka qaban, fadlan la soo xiriiriyaha hay’ada Metro HRA.
Waxa aan ka welwelsanahay manfacyada iyo adeegyada kale ee aan ka helo degmadda.
Inta badan xafiisyada dowladdu waa ay xiran yihiin, laakiin shaqaalahu wali waa ay shaqeynayaan si ay wax uga qabtaan baahida jirta. Waxaa aan kuu soo jeedinaynaa inaad la xiriirto cid walba oo loo xilsaaray adiga caawintaada ama aad eegto shabakadooda (website) si aad uga ogaato saameynaha adeegyada ku yimid.
Waxaan u baahnahay in la iga caawiyo cuntada ilmahayaga maadaama iskuuladdii la xiran.
Iskuulo badani waxa ay hayaan cuntooyinta inta loo tago looga soo qaban karo ardayga. Kala xiriir faahfaahinta arrintaa iskuulkaaga.
Waxaan ka welwelsanahay inaan awoodi waayo inaan bixiyo biilalkayga.
Hay’ada United Way waxa ay leedahay Gargaar Dhaqaale Bulsho oo loogu talagalay Cudurka COVID 19 (United Way has a COVID-19 Community Economic Relief Fund). Waxa ay kaa caawin karaan biilalka, kirada, iyo cuntada. Wac 1-866-211-9966 ka dibna sii ziipkoodkaaga si aad u hesho hay’adaha deegaanka ee bixiya caawimaadan.