Guri-geynta Cuntada iyo Alaabaha ee Metro Mobility

Metro Mobility Logo

Macaamiisha sugan waxa ay hadda ka dalban karaan cunto iyo waxyaabaga qoysasku u baahnaan karaan khadka (online) ee dukaamada leh ka adeegadka khadka (online) ka ee deegaanka. Metro Mobility waxa ay kuu soo qaadi dalabkaaga waxa ayna kuugu keeni gurigaaga.

  • Hawshu waa lacag la’aan – ma jiraan wax kharash oo kaaga bixi keenida alaabta adiga.

  • Isla maalintaa balanso ama horey u sii balanso sida aad u balansato qaaditaanada.

  • Ku hel alaabtaada 60 daqiiqo gudahood laga bilaabo waqtiga balanta soo qaadida.

  • U sheeg dukaanka ay Metro Mobility ka soo qaadayso alaabta siina qofka balanta soo qaadida kuu dalbaya lambarka dalabkaaga, si uu noqdo cadeyn in alaabta la gatay.

  • Xadidaadda afar bacood uun in la ogol yahay wali waa jirtaa.

  • Alaabta waxaa laga soo qaadi karaa uun goob ganacsi.

  • Darawaladdu ayaa xaqiijin doona cida aad tahay kolka alaabta ay kuu keenaan iyagoo eegaya sawirkaaga aqoonsigaa (ID).

Ka sameyso balanta alaab keenida bixiyahaaga.

Waxa aanu isku duwnay dhowr waxyaabood iyo jawaabo kaa caawiya qaar ka mid ah su’aalaha jaa aan helnay oo nala soo waydiiyey.

Hadii aad qabto su’aalo kale oo ku saabsan adeegan, fadlan la soo xiriir Rugta Adeega ee Metro Mobility (Metro Mobility Service Center) ee khadkeeddy yahay 651-602-1111, TTY: 651-221-9886 ama [email protected].

Ka waran haddii aan la I siin lambar dalab?
Instacart, waa adeeg qolo sedexaadi ay bixiso oo ay isticmaalaan dhowr ka mid dukaamada waaweyn ee Magaalooyinka Mataanaha ah (Twin Cities), oo aan bixin lambar dalab. Caadiyan, goobaha cuntada mucaawinada ah bixiyaa iyana ma bixiyaan lambar dalab kaliya waxa aanu u baahanahay lambar dalab, hadii aad adigu hayso. Hadii aan lagu siin adiga lambar dalab, waa muhiim inaad u sugto Metro Mobility in magaca ay ka hayso macmilku inuu sax yahay iyo dalabka lagu sameeyey magaca macmilkaa.

Cunto ma ka soo qaadaan goobaha cuntada mucaawimada ah?
Haa. Kor ka eeg dabacsanaanta ku taxa-luqda u baahnaanta lambar dalab. Xadidaaddii afar bacood in lagu koobnaando ahayd wali waa ay quseeysaa.

Alaabta ma laga soo qaadi dukaamaada cuntada xayawaanada guri joogta ah?
Haa, alaab waa aanu ka soo qaadi karnaa dukaamada cuntada xayawaanka guri joogta ah. Adeegan waxaa ku jira cuntooyinka alaabta muhiimka ah ee qoyska. Cuntooyinka iyo sahayda xayawaanka guri jooga ah iyo kuwa u adeega naafaddu waa hubaal inay xaq u leeyihiin.

Ma awoodaan inaad ii soo qaadaan dawooyinka?
Nasiib darro, ma awoodno inaad kuu soo qaadno dawooyinka. Farmashiyeyaasha intooda badani waxa ay fidiyaan adeegyo ah in dawooyinka ay si toos ah gurigaaga boostada ugu soo diraan. Ka eeg shabakada (web) farmashiyeyaashaada ama si toos ah u wac iyaga si ay tilmaam kuu siiyaan.

Sidee ayaan ku bixin kharashka alaabtayda la ii keenayo?
Metro Mobility uma soo dalacayso wax lacag ah alaabtaada keenideeda, sidaa darteed, ma aha inaad wax lacag na siiso anaga. Waaxse u baahan tahay inaad dukaanka lacagtiisa aad ku siiso kaarka amaahda ama kan bangiga ka hor inta aan alaabta la doonin.

Alaabtaydu kuligeed isku mar diyaar ma wada aha. maxaan sameeyaa?
Waxa aad dalban kartaa in marmar badan ay Metro Mobility alaab kuu soo qaado. Waa aanu la soconaa in dukaanada qaar ka mid ahi, tusaale ahaan Wal-Mart, ay diyaariyaan dalabka qaar markiiba iyadoo hadba ku xiran sida alaabta la heli karo. Metro Mobility diyaar bay u tahay inay hal dalab marmar badan ku noqnoqoto oo kuu keento.

Dukaanka aan ka adeegtaa waxa uu u baahan yahay in la waco kolka la tago si alaab looga soo qaato. Taa ma sameyn kartaan?
Haa. Waa aanu og nahay in qaar dukaamada ka mid ahi, tusaale ahaan Kowalski’s, ay u baahan yihiin in la waco kolka dukaanka la tago. Lacala hadii taasi jirto, darawalada ayaa la xiriiri saldhiga kolka ay goobahaa tagaan si kolkaa dalabka loo dhameeyo hawshiisa.