BALAADHINTA METRO BLUE LINE

Bulshada waqooyi galbeed & Minneapolis

Mashruuca gaadiidka dadweynaha ee Balaadhinta METRO Blue Line wuxuu kordhin doonaa Khadka Blue ee hore u jiray kaasoo ka imanaya Target Field Station oo u adeegaya bulshooyinka Waqooyiga Minneopolis, Robbinsdale, Crystal, iyo Brooklyn Park. 

Adeegyada turjumaada ayaa laga heli karaa dhammaan kulamadeenna dadweynaha. Si aad u codsato adeegyada turjumaada fadlan ka wac Nkongo Cigolo (612) 373-3825.  

Khariirada la socodka

Baadh oo ka faaloo khadka iyo qorshaha hadda iyadoo isticmaalaysa khariirada la socodka hoose.  

Fur qeybta balaadhan ee khariirada si aad u baadho ugana faalo bixiso. Khariiradu waxay ku shaqaynaysaa barawysarada Google Chrome, Firefox, Edge, iyo Safari. 

Interactive map of Blue Line Extension route options.

Waxyaabaha ku Saabsan Mashruuca

WAXYAABAHA KU SAABSAN BALAADHINTA BLUE LINE 

Balaadhinta METRO Blue Line waxa lasoo jeediyay inuu ka shaqeeyo ilaa 13.4 miles gaadiidka dadweynaha ee isku xidha faras magaalaha Minneapolis ilaa bulshada Waqooyiga Minneapolis, Robbinsdale, Crystal, iyo Brooklyn Park. Mashruuca lasoo jeediyay wuxuu siin doonaa gaadiid dadweyne oo la wanaajiyay goobta waqooyi galbeed ee socodku ku badan yahay ee ku taala Goobta Twin Cities Metropolitan iyo hal raacis oo aan u baahnayn wareejin oo ka imanaya Brooklyn Park ilaa madaarka MSP iyo Mall of America. Mashruucu waxa uu siinayaa fursad lagu maalgashado bulshooyinka BIPOC laguna dhimo kala duwanaanshaha gobolka. 

Isku xidhka Khadka METRO Blue Line ee hore u jiray kuna yaala Target Field Station, Balaadhinta khadka Blue Line iyo 12 istaan ee cusub taasoo qeyb ka noqon doona nidaamka isku dhafka gaadiidka dadweynaha ee u adeegaya gobolka, oo ay ku jiraan isku xidhka METRO Green line, Khadka tareenka Northstar Commuter Rail, khadadka gaadiidka dadweynaha ee dheereeya, adeega baska ee jira, iyo soo jeedinta mustaqbalka ee tareennada. 

  • Ku xidhi doonntaa dadka fursadaha cusub iyo meelaha la aadayo. 

  • Ku samee maalgalin aan hore loo samayn oo taariikhi ah waddada gaadiidka dadweynaha taasoo ay sheegtay taarikhda nidaamkii cunsiriyadaysnaa oo ay ku jiraan boqolay badan oo ah qoysaska bilaa baabuurta ah. 

  • La hagaajiyo caafimaadka dadweynaha oo la yareeyo dikhawga iyadoo dadka lagu xidhayo daryeel caafimaad oo tayo leh iyo doorashooyin gaadiid oo shaqaynaya isla markaana bilaa dikhaw ah. 

  • Ku xidh dadka si aad wax ku ool u ah si ay u helaan fursado waxbarasho iyo shaqo, u yareeyaan wakhtiyada kaga luma safarka, oo la kordhiyo helitaanka alaabaha iyo adeega goobaha halkaasoo dhisitaanka hodantinimada bulshadu ay tahay mudnaanta. 

Qorhaynta Balaadhinta Blue Line waxay socotay ilaa sannadkii 2014. Iyadoo loo marayo dedaaladaas, waxa jiray heer wada shaqaynood oo aad u muhiim ah iyo shuraako ay ku jiraan wakaalado iyo shuraakada bulshada ee leh dhammaan heerarka kala duwan. Met Council iyo Degmada Hennepin ayaa wada shaqaynaya sidii ay u horumarin lahaayeen oo ay u dhammayn lahaayeen mashruucan. 

KOOXAHA HAWLAHA BULSHADA

Tan iyo 2020, mashruuca Balaadhinta METRO Blue Line waxay kordhisay shaqaalahooda ka qaybgalka dadweynaha iyagoo si toos ah qandaraas ula galay 17 kooxood oo bulsho iyo dhaqameed. Shaqaalaha mashruuca waxay aqoonsatay qiimaha khibrada kooxahan, khabiirada, iyo shabakadaha xidhiidhada aaminka ah, gaar ahaan bulshooyinka dhaqaalahoodu hooseeyo iyo bulshooyinka midabka leh ee waddada isticmaala. Kooxahani waxa ay sidoo kale door lama ilaawaan ah ka ciyaareen ka qayb galka bulshada xilliyadii adkaa ee COVID-19 iyo kacdoonka shacabka. 

Degmada Hennepin, oo ah shuraakada muhiimka ah ee mashruuca, waxay qandaraas la gashay kooxahan si ay si toos ah uga qaybgalaan xeeladaha dhaqan ahaan ku habboon sida martigelinta shirarka bulshada iyo kooxaha diiradda, soo bandhigista dhacdooyinka soo baxay, garaacista albaabka, xog-ururinaha, faallooyinka tarjumaada, muuqaalada, sawiro, dhacdooyinka tooska ah ee Facebook, iyo hawlaha dhaqameed. Taageerada dheeraadka ah waxaa ka mid ah la talinta isgaadhsiinta mashruuca, xoojinta xidhiidhka mashruuca ee shabakadaha warbaahinta bulshada ee kala duwan, qorista, iyo ka warbixinta ra'yi-celinta bulshada, kaqeybgalka shirarka kooxda ee bilaha ah, iyo soo gudbinta warbixinnada ugu dambeeya dhammaadka weji kasta oo kaqeybgalka. 

Natiijooyinka tooska ah ee xubnaha kooxdan waxaa ka mid ah ka mid noqoshada hindisaha ka hortagga barakaca, tixgalinta naqshadeynta iyo injineernimada, aqoonsiga ilaha bulshada iyo dhaqanka, hababka isgaadhsiinta iyo xeeladaha, nidaamyada 3-D ee ay abuureen tababarayaasha dhalinyarada, iyo liis ballaadhan oo arrimaha bulshada ah, walaacyada iyo fursadaha. 

Eeg hawlaha ugu dambeeya ee kooxda.

KULAMADA BULSHADA IYO XAFLADAHA 

Hawlaha Bulshada

Codadka bulshadu waxay qeyb muhiim ah ka tahay mashruuca hannaan go'aan gaadhista Balaadhinta Blue Line, markaa fikradaada hala maqlo oo ka caawi jaantuska mustaqbalka ee Balaadhinta Blue Line. 

Mid ka mid ah mabaadi'da hagidda mashruuca waa in lagu dhaqaaqo xawaaraha kalsoonida. Hore uma socon doono ilaa iyo oo aan helno kaalmo bulsho oo micno leh iyo ka qeybqaadasho leh. Dadaalka kaqeybgalkeena waa inuu noqdaa mid mug leh, loo wada dhan yahay, oo dabacsan si loo hubiyo inaan yeelano isku toosan oo faa'iidada ugu badan u leh bulshada.  shuruucda mashruucu waxay ka tarjumaysa ballanqaadkan dadweynaha waxaanan sii wadi doonnaa in aan si macno leh ula macaamilno bulshada iyada oo halmar jiilka maalgashigu hore u socodsiinayo. 
 
Intaa waxa dheer Kulamada wadashiga bulshada, Golaha Metropolitan wuxuu siinayaa fursado kale oo bulshadu kaga qeybqaadan karto.

Kahortaga barobixinta iyo kordhinta kababka bulshada 

Balaadhinta METRO Blue Line waxay abuuraysaa fursado jira si kor loogu qaado aragtiyaha bulshada ee ku aadan maalgashiga iyo horumarinta dhaqaale ee caawin kare dadka deegaanka iyo ganacsiyada keenaya hodantinimada iyo hagaajinta tayada nolosha. Maalgashiyada kaabayaasha waaweyn waxay kor u qaadaan dhibaatooyinka barobixinta dadka deegaanka iyo ganacsiyada. La hawlgalayaasha mashruucu waxay rabaan inay maqlaan dhibaatooyinkaas oo ay si dhab u qaataan. Waxa naga go'an inaan si wadajir ah ula shaqayno bulshada si marka horeba looga hortago barobixinta oo kor loogu qaado faa'idooyin badan oo gaadiidka dadweynuhu keeni karo. 

Arrimahani waa kuwo xasaasi ah oo muhiim ah kuwaasoo u baahan shuraako badan oo iskula timaada rumayn dhab ah si ay uga fikiraan oo ay u qabtaan si hal-abuurnimo leh. Shaqadu way socotaa si loo aqoonsado khayraadka jira iyo agabka taageeri kara ganacsiyada iyo dadka deegaanka jooga maanta. Daneeyaasha iyo shuraakadu waxay sii wadi doonaan inay ka shaqeeyaan bilaha soo socda si ay u aqoonsadaan baahiyaha dheeraadk ah iyo meelaha u baaahan in wax laga qabto, hirgalinta khidadaha taageeraya horumar loo siman yahay iyo dhisida hodantinimada bulshada, iyo in wax laga qabto caddaadiska horseedi kara barobixinta. 

Si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan barnaamijkan iyo hababka aad faallo uga bixin karto, booqo: https://yourblueline.org/anti-displacement 

 

OGOLAANSHAHA DAWLADA HOOSE

Minnesota gudaheeda, mashaariicda waaweyn ee gaadiidka sida METRO Blue Line ah waxay u baahan yihiin ogolaanshaha deegaanka ee qaybaha naqshadaynta jidheed. Sharciga (Waaxda Xeer-dejinta Minnesota. 473.3994) ayaa la ansixiyay si loo hubiyo in magaalooyinka iyo bulshooyinku ay yihiin shuraakooyin mashaariicda saamayn kara ee ay ka faa'idi karaan dadka deegaankuna. 

Hannaanka waxa loogu yeedhaa "ogolaanshaha dawlada hoose." Waxay ku lug leedahay magaalo kasta iyo degmo kasta oo uu maro khadku taasoo loo qabanayo dhagaysi dadweyne si loo helo waxay ku darsanayaan dadka deegaanku kadibna loo codeeyo si loo ansixiyo qorshaha nashqada hore. Haddii ay magaaladu u codayn waydo in la ansixiyo qorshayaasha naqshadaynta, waa in ay qeexaan waxa iska beddelaya naqshadda muuqaalka mashruuca ee loo baahan yahay in la sameeyo si loo ansixiyo. 

Xagaagan 2024, magaalooyinka ay waddadu marto waxay bilaabi doonaan hannaanka loo yaqaan "ogolaanshaha dawlada hoose," kaasoo ay ku jiraan dib u eegista maxaliga ah iyo falcelinta qabaha duleed ee nashqada. Isha ku hay kulamada bulshada iyo dhagaysiga dadweynaha ee loo muddeeyay magaaladaada. 

DIB U EEGISTA DEEGAANKA

Mashaariicda waaweyn ee gaadiidku sida Balaadhinta Blue Line waxa loogu talagalay inay keenaan faa'idooyin badan. Faa'idooyinkaa badan waxay sidoo kale saamayn ku keeni karaan cidda la jaarka ah, ganacsiyada, iyo deegaanka. 

Hannaanka dib u eegista deegaanka ee METRO Blue Line waa shuruud heer fadaraal ah si loo aqoonsado faa'iidooyinka ay ku qabaan deegaanka, bulshada, iyo dhaqaalaha iyo saameynta mashruuca, iyo sida looga fogaado, loo yareeyo, ama loo dhimo saameynaha aan la rabin. 

Hannaanka dib u eegista deegaanku ee waddada haddu waxay ka kooban tahay laba qeybood: 

Bayaanka Saamaynta Kaabista Deegaanka ee Qabyo Qoraalka ah (SDEIS) 

Bayaanka Saamaynta Kaabista Deegaanka ee Gunnaanadka ah (SDEIS) 

Mashruuca Balaadhinta METRO Blue Line wuxuu shaqadan qabanayay ilaa iyo intii uu uga baahnaa Sharciga Siyaasadda Deegaanka ee Heer Qaran (NEPA) iyo Xeerka Siyaasadda Deegaanka Minnesota (MEPA) iyo Bayaanka Saamaynta Deegaaanka ee Qabyo Qoraalka ah ee la daabacay xagaaga 2024 si dadweynuhu uga faalloodaan. 

Ogaysiisyada dadweynaha 

Golaha Metropolitican iyo Maamulka Heer Fadaraal ee Gaadiidka Dadweynuhu waxay diyaariyeen Bayaanka Saamaynta Kaabista Deegaanka ee Qabyo Qoraalka ah (SDEIS) ee mashruuca Balaadhinta METRO Blue Line. Booqo bogga Qabyo Qoraalka Kaabista EIS si aad u akhrido SDEIS iyo hababka aad uga faalloon karto. 

Waa maxay EIS?

Bayaanka Saamaynta Deegaanka waxa ka mid ah daraasad faahfaahsan iyo dhukumeentiyo kala duwan oo faa'iidooyin iyo saamayn kara mashruuca inta lagu jiro dhismaha iyo hawlgalka mashruuca, oo ay ku jiraan: 

  • Isticmaalka dhulka, iyo sida mashruucu ugu habboon yahay dhulka loo qorsheeyay in loo isticmaalo ama hore u jirayba 

  • Saamaynta bulshada ama bulshooyinka ku xeeran mashruuca 

  • Hantida loo baahan karo in la iibsado iyo waxyaabaha ay dadka deegaanka ama ganacsiyadu u baahan yihiin in dib u dejin loogu sameeyo. 

  • Baahiyaha ganacsiyada, oo ay ku jiraan inta uu socdo dhismuhu, dib u dejinta, dakhliga 

  • Dedaalada aan tooska ahayn iyo kuwa isku dhafan ee mashruuca 

  • Bulshooyinka caddaalada deegaanka (tusaale bulshooyinka midabka leh, bulshooyinka dhaqaalahoodu hooseeyo, bulshooyinka naafada ah iwm.) 

  • Hantida taariikhiga ah 

  • Goobaha nasashada 

  • Isbadalka muuqaal 

  • Badqabka 

  • Gaadiidka, oo ay ku jiraan baaskiilada, halka la marayo, gaadiidka dadweynaha, baabuurta, tareenada xamuulka, iyo gaadiidka cirka 

  • Khayraadka biyaha, oo ay ku jiraan biyo fadhiisinka ah, agagaarka wabiyada, biyaha roobka, biyaha dhulka hoostiisa, tayada biyaha 

  • Ciida iyo khayraadka macquulka ee juqraafiyadeed 

  • Dhirta iyo xayawaanka, oo ay ku jiraan noocyada khatarta ah iyo halista ah 

  • Dhawaaqa iyo gariirka 

  • Dhismayaasha xumaaday iyo walxaha dhibaatada keeni kara 

  • Dikhawga hawada, kaarboonada aadanuhu soo saaro iyo isticmaalka tamarta 

Dib u eegista deegaanka la xidhiidha ee waddadii hore 

Sannadkii 2016, Bayaanka Kama Dambaysta ah ee Saamaynta Deegaanka (2016 FEIS) ayaa la daabacay, oo Diwaanka Go'aanka waxa la siiyay Maamulka Gaadiidka Dadweynaha Fadaraalka oo loogu talagalay waddada hore. Sababtoo ah isbeddelka dariiqa ee 2022 (Ku xidh warbixinta wax ka beddelka waddada), 2016 FEIS hadda ayaa la dib u eegay si loo qiimeeyo isku-habaynta cusub iyada oo loo marayo Taageerada laga helayo DEIS iyo FEIS. 

Eeg dhokumantiyada deegaanka ee laga helay dariiqii hore

QABYO QORAALKA KAABISTA EIS

Bayaanka Saamaynta Kaabista Deegaanka ee Qabyo Qoraalka ah (SDEIS) waxa diyaariyay Golaha Metroplitan oo waxa la heli karaa si dib u eegis loogu sameeyo gu'ga/xagaaga 2024. 

Waxay si waadix ah u aqoonsanaysaa faa'idooyinka iman kara iyo saamaynta mashruuca. Waxay sidoo kale xusi doontaa hababka iman kara ee looga hortagi karo, ama loo yarayn karo saamayn kasta oo xun oo mashruucu wato. Marka la daabaco, dadweynaha iyo wakaaladuhu waxay heli doonaan muddo 45-maalmood oo ay kaga faalloon karan si ay dib ugu eegaan oo ay falcelin uga bixiyaan. Faallooyinka la helaa waxay sheegi doonaan tallaabooyinka xiga iyo ka go'naanshaha si looga hortago, loo yareeyo, oo loo dhimo saamaynaha xun ee mashruucu keeni karo.

KAABISTA GUNAANADKA EIS

Bayaanka Saamaynta Kaabista Deegaanka ee Gunnaanadka ah (SDEIS) waxay kala hufi doontaa faa'dooyinka iman kara iyo saamaynta mashruuca, oo waxay si waadix ah u aqoonsanaysaa tallaabooyinka gaarka ah ee la qaadi doono si looga hortago, loo yareeyo, ama loo dhimo saamaynta xun ee mashruuca ka iman karta. 

Shaqada diyaarinta SFEIS waxa la rajaynayaa in la dhammeeyo oo la daabaco Gu'ga/Xagaaga 2025. 

SFEIS wuxuu sidoo kale aqoonsanayaa ogolaanshaha looga baahan yahay Waaxda Mashaariicda 404 ogolaanshaha Qeybta Qabyo Qoraalka Wax laga Badalay ee Qiimaynta 4(f) iyo 6(f), Qeybta 106 iyo jawaabaha faallooyinka laga helay Qabyo Qoraalka EIS. 

Isuduwayaasha Wacyigalinta

Maamulaha Kaqeybqaadashada Dadweynaha

Nkongo Cigolo 
612-373-3825 
[email protected] 

Nkongo Cigolo (oo loogu dhawaaqo NEN-kong-go SEEG-uh-lo) wuxuu horey u ahaan jiray isuduwayaasha wacyigalinta Mashruuca Central Corridor LRT (METRO Green Line) iyo Mashruuca Balaadhinta METRO Green Line. Wuxuu ku hadlaa Sawaaxili, Af-faransiis, labada lahjadood ee Bantuuga, iyo Ingiriisi. Wuxuu ka qalin jabiyay Jaamacada Minnesota. 

Brooklyn Park iyo Crystal

Joanna Ocasio-Maisonet 
[email protected] 

Joanna Ocasio-Maisonet wuxuu horey usoo ahaa isuduwayaasha wacyigalinta Metro Transit kahor intaanu kusoo biirin mashruuca Balaadhinta Blue Line. Waxay leedahay khibrad ka badan 10 sanno oo ay hawlahaas soo qabanaysay. 

Robbinsdale 

James Mockovciak 
[email protected] 

James Mockovciak (oo loogu dhawaaqayo Moh-KOV-ee-ack) wuxuu leeyahay sannado badan oo khibrad dhinaca wacyigalinta ah oo kasoo shaqeeyay Maraykanka gudihiisa iyo dunida kalaba. Mockovciak wuxuu shahadaada heerka labaad ka sitaa horumarinta caalamiga ah oo uu ka qaatay Kuliyada Daraasadaha Caalamig ah ee Josef Korbel ee Jaamacada Denver. 

Minneapolis 

Kaja Vang, Associate Outreach Coordinator 
[email protected] 

Kaja Vang wuxu horay u ahaa isuduwaha hawlaha bulshada ee Degmada Three Rivers Park oo wuxuu leeyahay khibrad balaadhan oo dhinaca la shaqaynta dhalinyarta. Vang wuxuu ka qalin jabiyay St. Thomas oo uu shahaado ku qaatay cilmiga deegaanka. 

Codsiyada hadlayaasha 

Si aad u codsato hadle kulanka bulshada ah ama xaflad kale, fadlan la xidhiidh:

Nkongo Cigolo, Public Involvement Manager
[email protected] 

Codsiyada xogta

Nidaamyada Helitaanka Xogta Golaha Metropolitan waxay qeexayaan nidaamyada lagu codsanayo xogta dadweynaha, gaarka ah, ama xogta ilaashan ee ay ilaaliyeen Golaha, oo ay kamid tahay mashruuca Balaadhinta METRO Blue Line. Hay'adda Mas'uulka ka ah Mashruuca ee codsiyada xogta: [email protected] 

Su'aalaha warbaahinta

Haayadaha warbaahinta waa inay sameeyaan codsiyo toos ah si ay u helaan xogta: 

Laura Baenen 
[email protected] 
612-269-4365  

Balaadhinta METRO Blue Line 

Xafiiska Mashruuca Balaahdinta Blue Line 
Park Place West Building, Suite 600 
6465 Wayzata Boulevard 
St. Louis Park, MN 55426  

Kala soco Balaadhinta METRO Blue Line 

Balaadhinta METRO Blue Line waxa laga helayaa Facebook

Balaadhinta METRO Blue Line waxa laga helayaa Twitter 

Kalasoco Balaadhinta METRO Blue Line Instagram 

Isku diwaangali iimayl ama qoraalada digniinta 

Request a presentation

Project staff are available for conversations and presentations to your community/neighborhood/business groups.

Contact

Nkongo Cigolo
[email protected]

METRO Blue Line Extension

Blue Line Extension Project Office
Park Place West Building, Suite 600
6465 Wayzata Boulevard
St. Louis Park, MN 55426